Wararka

Niman lagu eedeeyey inay geysteen fal kufsi ah oo dil toogasho ah lagu fuliyey magaalada…


Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in saaka dil toogasho ah lagu fuliyay labo nin oo lagu eedeeyay inay fal kufsi geysteen.

Booliska Koofur Galbeed ayaa dhowaan gacanta ku dhigay labo nin oo la sheegay inay kufsadeen wiil yar oo 9 sano jir ah, taasoo dad badan naxdin ku reebtay.

Labada nin ayaa la sheegay inay qirteen falkan kufsiga, saakayna la toogtay, sida uu shaaciyay Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed oo xusay in raggan la marsiiyay sharciga.

Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan laga soo sheegayay falal aan horay loo arag oo kufsi ah, taasoo naxdin iyo amakaag weyn ka dhalisay magaalada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: