Wararka

Qoorqoor ayaa xaqiijiyey in shirka Dhuusamareeb 3 uu xalay si rasmi ah u furmay iyadoo ay…


Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Magaalada Dhuusamareeb ayaa kaga dhawaaqay in xalay uu si rasmi ah u furmay wejiga hore ee Shirka Dhuusamareeb 3, xilli ay ka maqan yihiin Madaxda Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweyne-yaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa walaac ka muujiyay habdhaqanka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoona shuruud kaga dhigay ka qaybgalka shirkaasi in la helo cid damaanad qaadda inay dhaqangalayan waxyaabihii lagu heshiiyay. Labada maamul ayaa ku baaqay in Beesha Caalamka laga soo qaybgeliyo shirka, si damaanad uga noqoto inay meel-mari doonaan qodobadii lagu heshiiyay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa labada Madaxweyne ugu baaqay bal inay marka hore ka soo qaybgalaan shirka, isagoona ballanqaaday in la xalin doono wixii tabasho ah, ee ay qabaan.

Madaxweynaha ayaa intii uu hadlayay waxaa uu sheegay in xubnihii ka kala socday Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ee loo igmaday inay ka soo tala bixiyan nooca doorasho ee dalka laga qaban karo laga dhageystay hannaanka doorasho ee xilligan dalka laga qaban karo, isla-markaana weli la suggaayo talooyinkii looga fadhiyay maamulada shirka ka maqan, ayna muhiim u tahay inay shirka ka soo qaybgalaan.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa intaa ku daray in bulshada Soomaaliyeed ay iyadu isu tahay damaanad, isla-markaana ay meel marin doonaan wax kasta oo lagu wada gaaro Shirka Dhuusamareeb 3.

Beesha Caalamka ayaa Jimcihii Warsaxaafadeed ku sheegtay inaanay taageeri doonin nooc doorasho, oo ay garwadeen ka tahay hal dhinac amaba aan loo dhammeen. Beesha Caalamka waxay sheegtay inaanan dalka laga qaban karin nooc uun doorasho, oo ay heshiis ku yihiin kooxo gaar ah.

Beesha Caalamka oo gadaal uun ka riixeysay Shirarkii Dhuusamareeb ee 1 iyo 2 ayaa waxaa xilligan muuqata in Shirka Dhuusamareeb 3 aan looga maarmi doonin ka qaybgalkeeda, haddii aysan dhinacyadu isu tanaasulin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: