Wararka

Banaanbax looga soo horjeedo falalkii kufsiga ahaa ee ka dhacay magaalada Baydhabo…


Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo falal kufsi ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka soo cusboonaaday magaalada Baydhabo ayaa maanta ka dhacay magaaladaas.

Banaanbaxa waxaa ka qeyb qaadanayay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaa waxa ay ku qeylinayeen hadalo loogaga soo horjeedo falalka kufsiga ah ee loogu geystey magaalada Baydhabo wiilal yaryar.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxa ay ka codsadeen maamulka Koonfur Galbeed inuu gacan bir ah ku qabto dadka caadeystey falalka anshax darrada ah.

Banaanbaxan ayaa dhacay kadib markii shalay magaalada Baydhabo lagu toogtay labo nin oo lagu eedeeyay in ay kufsi u geysteen wiil yar.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11826 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: