Wararka

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo ku sii jeeday Mogadishu ayaa la qabtay…


Gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray kuna soo jeeday magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay deegaanka Gendershe oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Gaarigan ciidamada qabteen oo nuuciisu ahaa Surf ayaa waxaa ku rarnaa waxyaabaha qarxa, waxa ayna saraakiisha ciidamada sheegeen in gaarigan kusoo jeeday magaalada Muqdisho si weeraro loogu geysto.

Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik ayaa sheegay in gaarigan qaraxyada ka buuxeen iyo ragii la socday gacanta ku dhigeen Ciidamada Danab.
“Waxa aan helnay xogta gaarigan waxyaalaha qaraxa lagu soo buuxiyay, waxaana ay ciidamadu kala furfureen waxyaabaha qarxa ee gaarigaasi saarnaa.”ayuu yiri Gaashaanle Maalik.

Ciidamada Danab ayaa howlaglo kawada gobolka Shabeellaha Hoose, waxa ayna ciidamadan dhawaan la wareegeen deegaano iyo degmooyin Al Shabaab gacanta ku hayeen.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: