Wararka

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa u soo baxday finalka Champions League kadib markii ay ka…


Kooxda Faransiiska ee Paris Saint-Germain ayaa u soo baxday finalka Champions League, ka dib markii ay uga badiyeen 3-0 kooxda Jarmalka Leipzig wareeggii semi finalka.

Xiddigaha Saint-Germain ayaa wajiga u iftiimiyay kooxda, waxayna u horseedeen kooxda heysata horyaalka Faransiiska inay u soo baxaan finalka Champions League markii ugu horeysay taariikhdeeda iyagoo raadinaya horyaal hal koox oo keliya oo Faransiis ah ay ku guuleysatay taasoo ah Olympique de Marseille 1993.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa runtii muujiyey ciyaar xiiso badan ayna u fududeysay inay hal lug dhigaan qaadashada koobka Champions League.

Kooxda ayaa finalka la ciyaari doontaa kooxda ka soo baxda ciyaarta caawa dhici doonta ee Bayern Munich iyo Olympique Lyon, ciyaarta finalka ayaa la qaban doonaa 23ka August 2020.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11771 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: