Wararka

M/weynaha Mali ayaa is casilay sidoo kale kala diray baarlamaanka dalkaasi kadib markii…


Madaxwaynihii dalka Mali Ibrahim Boubacar Keïta ayaa iscasilay, ka dib markii ay xireen militariga dalkaasi Talaadadii, waxaa sidaasi sheegay telefishinka qaranka dalkaasi.

Khudabad uu telefishinka ka jeediyay ayuu Mr Keïta waxaa uu sheegay in sidoo kale uu kala diray baarlamaanka dalkaasi.

“Waxaan doonayaa in uusan dhiig u daadin si aan awoodda u sii hayo,” ayuu intaa ku daray.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa saacado uun ka dib markii isaga iyo rai’sul wasaarihi dalkaasi Boubou Cissé la xiray islamarkana la geeyay saldhig militari oo ku yaalla caasimadda Bamako.

Tallaabadda militariga ayaa waxaa cambaareeyay dalalka gobolka iyo dowladda Fransiiska .

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah xukuumadiisa si shuruud la’aan oo degdeg ah lagu sii daayo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11751 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: