Wararka

Siyaasiga iyo siyaasada Somalia waa silic iyo saxariir ku noolow, saboolnimo ku…


Siyaasiga iyo siyaasada Somalia, waa silic iyo saxariir ku noolow,
Saboolnimo ku barbaartay, sibraar maran bey sitaan, sadaqada shisheeye yey sugaan iyo cid wax siisa.
Waa saman aakhirkii alahayow na samata bixi,
Sankay isu taagayaan, salka hoosana waa sokeeyo iyo walaal, sodog iyo seedi.
Sunta yaa u daadshay, saldanada kii loo dhiiba salka balaarta, sambac buu noqdaa sidii sac buunsha ka dhergey.
Subixii beryaba Addis Ababa loo socdaa, sankaa laga soo qaataa sixirka.
Subxaanalaah allow sahal amuuraha adigaa saatir ahee…

Eng. Jiraabay

About Admin (11368 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: