Wararka

Xisbiga Dimoqraadiga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Joe Biden uu yahay musharraxooda…


Xisbiga Dimuqraadiga ayaa xalay si rasmi ah uga dhawaaqay in Joe Biden uu yahay musharraxooda doorashada madaxtinmada Mareykanka ee dhici doonta 3-da bisha November.

Xisbiga Dimoqraadiga ayaa musharraxnimada Biden uga dhawaaqay habeenkii labaad shirweynahooda oo sannadkaan marki ugu horreysay ay ergada uga qeybgaleyso hab maqal iyo muuqaal ah oo internerka lasoo dhexmarsiinayo, sababo la xiriira coronavirus.

Dadkii shirka xalay ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Jill Biden oo ah marwada Joe Biden.

Dadka kale ee magaca ku dhex leh Xisbiga Dimoqraadigga ee shirweynaha ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa, madaxweynayaashi hore ee Mareykanka Jimy Carter iyo Bill Clinton, Alexandria Ocasio Cortez oo ah xildhibaanad saameyn leh oo ka tirsan aqalka wakiilada lagana soo doorto New York, iyo John Kerry xoghayihi hore ee arrimaha dibadda Mareykanka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: