Wararka

Heshiis wada shaqeyn ee u dhaxeeya Dowlada iyo shirkada Albayrak ayaa lagu saxiixay…


Heshiis horudhac ah oo laga gaaray wada shaqaynta Dowladda Somalia iyo Shirkadda Albayrak ee Maamusha Dekeda Magaalada Muqdisho ayaa lagu kala saxiixday Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Heshiiskan oo dhinaca dowladda ay u saxiixday Siihayaha Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Maryan Aweys Jaamac waxaana goob joog ka ahaa Siihayaha Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo u mahadceliyay labada dhinac.

Heshiiskan oo dib u eegis ku socday muddo ku dhow 2 sano ayaa si wadajir ah la isugu af gartay.

Dhanka Turkiga waxaa heshiiskan u saxiixay Ahmet Albayrak oo ah Milkiilaha Shirkadda Albayrak, waxaana la fillayaa in heshiiskan si rasmi ah maalmaha soo socda ay labada dhinac ugu wada saxiixaan Magaalada Muqdisho.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11750 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: