Wararka

Hogaamiyaha mucaaradka Ruushka Alexei Navalny ayaa la sheegay in Isbitaal la dhigay oo…

FILE - In this Feb. 29, 2020, file photo, Russian opposition activist Alexei Navalny takes part in a march in memory of opposition leader Boris Nemtsov in Moscow, Russia. Navalny has been poisoned and hospitalized on Thursday morning, Aug. 20, 2020 his spokeswoman Kira Yarmysh said on Twitter, Navalny felt unwell on a flight back to Moscow from Tomsk, a city in Siberia. (AP Photo/Pavel Golovkin, File)

Afhayeen u hadlay Hogaamiyaha mucaaradka dalka Ruushka Alexei Navalny ayaa la sheegay in Isbitaalka la dhigay isaga oo miyir daboolan islamarkana waxaa laga shakisan yahay in la sumeeyay.

Alexei oo ah nin si weyn ugu ololeeya ka hortaga musuqmaasuqa ayaa xanuunsaday xilli uu safar duulimaad ah ku jiray.

Diyaaradda ayaa si degdeg ah u caga dhigatay, si loo eego xaaladda hogaamiyaha waxaa sidaasi barta Twitter-ka ku sheegtay afhayeenka Alexei.

“Waxaan u malaynaynaa in la sumeeyay islamarkana shaah wax loogu daray,” ayey tiri. Mr Navalny ayaa ah nin si weyn u dhaliila madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin.

“Saaka ayuu Mr Navalny waxaa uu ku soo laabanayay magalada Moscow isaga oo ka yimid Tomsk,” waxaa sidaasi barta Tweetar-ka ku soo qortay Ms Yarmysh.

Ms Yarmysh ayaa markii dambe sidoo kale sheegtay in Mr Navalny la dhigay qeybta xaaladda culus.

Illaa iyo imika ma jirto cid ka madaxbanaan Ms Yarmysh oo xaqiijisay warkan ay ku andacootay.

Sanadkii 2011 ayaa xabsiga la dhigay Mr Alexei Navalny islamarkana uu ku jiray muddo 15 maalmood ah, xilli ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo ku aadanaa in doorashada uu Putin ku shubtay.

Bishii June waxaa uu isbadalkii dastuurka lagu sameeyay ku tilmaamay “Afgembi” iyo “in lagu tuntay dastuurka”.

Isbadalkaas dastuurka lagu sameeyay ayaa Mr Putin u ogolaaday in uu xafiiska sii joogo laba muddo xileed oo dheeraad ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11372 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: