Wararka

Golaha Ammaanka ee QM ayaa warbixino ka dhageystay James Swan iyo Madeira…


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa shir ka yeeshay xaaladda dalka Somalia, iyadoona warbixino kala duwan lagu dhageystay shirka.

Shirkan ayaa ka mid ah shirarka caadiga ay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ku dhageystaan warbixinada laga soo diyaariyo xaaladaha ay ku sugan yihiin dalalka caalamka.

Shirka waxaa warbixino looga dhageystay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabisan arrimaha Somalia, Amb. James Swan iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia ahna Madaxa Hawlgalka Amisom, Amb. Francisco Caetano Madeira.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somalia ayaa Golaha Ammaanka u faah faahiyay warbixin uu Xafiiska UNSOM ka soo diyaariyay xaaladda Somalia, taasoo taabaneysay arrimaha siyaasadda, ammaanka iyo dhaqaalaha, laga soo bilaabo 4-tii bishii May illaa 4-tii bishan August.

Wakiilka ayaa soo hadalqaaday Shirka Dhuusamareeb 3, waxaana uu sheegay geedi-socodka wadahadalada dhinacyada inay tahay midda keliya ee looga gudbi karo caqabadaha siyaasadeed ee dalka ku soo kordhay, kana dhalatay arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Waxa kaloo uu sheegay in iminka ay Magaalada Dhuusamareeb ku sugan yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyne-yaasha Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug, si loo dardar-geliyo qodobadii lagu heshiiyay shirkii kan ka horeeyay ee 22-kii bishii hore ee Luulyo lagu soo geba-gabeeyay magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka xun yihiin maqnaanshaha ay shirka ka maqan yihiin Madaxweyne-yaaasha Jubbaland iyo Puntland, isagoona yiri “Waxaan ku celinayaa inaan aad uga xunahay kuwa weli ka maqan shirka.”

James Swan, Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa tilmaamay in ay Somalia ka jirto caqabad kale, oo ka taagan dhinaca dastuurka iyo iyadoo aan weli dhidhibada loo taagan Maxkamaddii Dastuuriga, ay shaki gelin karto buu yiri in dalka ka qabsoomto noocyada doorasho ee dastuurka uu qeexayo.

Amb. Swan mar uu ka hadlayay arrimaha ammaanka waxaa uu ka dhawaajiyay in Ururka Al Shabaab uu bilaabay weeraro cusub, oo ay ka gaysanayan Magaalada Muqdisho iyo deegaano kale oo dalka ku yaala, si ay ugu carqaladeeyan buu yiri horumarka Somalia iyo xasilooni ay hellaan shacbiga Soomaaliyeed.

Dhanka kale Golaha Ammaanka ayaa warbixin kale ka dhageystay Amb. Francisco Caetano Madeira, Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Hawlgalka Amisom, kaasoo sheegay in shirkii 15-kii bishan loogu ballansanaa Magaalada Dhuusmaareeb ay ka maqan yihiin buu yiri laba ka mida hoggaamiye-yaashii muhiimka u ahaa.

Francisco Madeira ayaa hoosta ka xariiqay in Beesha Caalamka uu door uga bannaan yahay, sidii buu yiri uu shirkaasi u noqon lahaa mid ay dhinacyada u dhan yihiin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11442 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: