Wararka

M/weyne Farmaajo ayaa ka bedalay magacii magaalada Dhuusamareeb una bixiyey Samareeb…


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu magacii ka bedalay magaalada Dhuusamareeb, kadib marka sida uu sheegay soo jeedin badan ka helay qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo dadka deegaanka .

Waxa uu qeexay in marka la eego dhawaqa magaca magaalada uu ka bedalan yahay magaalooyinka kale ee Soomaaliya.

“Waxaa dhowr jeer soo jeedinta ah in magaaladan aan magaca ka bedalno iiga timid wax-garad iyo siyaasiyiin’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Magaca cusub ee magaalada ayaa ah “SAMAREEB’ Sida uu sheegay madaxweyne Farmaajo.

Durbaba, qaar kamid ah bulshada ayaa si weyn u hadal haaysa magacaan cusub ee uu madaxweyne Farmaajo u bixiyay EX-Dhuusamareeb {Samareeb}.

Lama oga sida uu ku hirgeli doono magacaan cusub, maadaama muddo fog magaaladaas loogu wici jiray Dhuusamareeb.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12192 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: