Wararka

Pompeo ayaa ku eedeeyey qaar ka mid ah dalalka Yurub in ay la safteen Ayatollah kadib…


Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa ku eedeeyay dalalka Yurub “in ay la safteen Ayatollah” ka dib markii ay sheegeen in uusan Mareykanka dib ugu soo rogi Karin cunaqabateyn dalkaasi Iran.

Dalalka britain, Fransiiska iyo Jarmalka ayaa waxay sheegeen in Mareykanka uusan xaq sharci u lahayn “in uu dib ugu soo rogo” cunaqabateyn sababtoo ah waxaa uu Mareykanak ka baxay heshiiskii Niyukleerka Iran ee la saxiixay 2018.

Dowladda Mareykanka ayaa waxay bilowday geedi socod muran dhaliyay oo ku saabsan in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay dib u soo celiyaan cunaqabateyntii saarnayd Iran.

Cunaqabateyntan ayaa la qaaday 2015 ka dib markii la gaaray heshiiskii Niyukleerka ee u dhaxeeyay Iiraan iyo dalalka reer galbeedka iyo Ruushka iyo Shiinaha.

“Ma jiro dal aan Mareykanka ahayn oo ku dhiiraday in uu soo gudbiyo qaraar, taa badalkeeda waxay doorbideen inay la saftaan Ayatollah,” waxaa sidaasi sheegay Mr Pompeo.

Mr Pompeo ayaa si rasmi ah u gudbiyay cabasho isaga oo ku eedeeyay Iran in aysan heshiiska u hogaansamin.

Wadamada kale ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxay haystaan 30 maalmood gudahood in ay ku ansixiyaan qaraar si looga hortago in cunaqabateynta dib loogu so rogo Iran.

Balse Mareykanka oo xubin joogta ka ah golaha ammaanka ayaa isticmaali kara codka diidmada qayaxan ee Veto loo yaqaanno.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11754 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: