Wararka

Puntland ayaa ka jawaabtay warkii Mareykanka uu ugu tilmaamay inay yihiin Qaswadayaal…


Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa beesha Caalamka u soo jeediyay in la joogo waqtigii ay saaxiibada Soomaaliyeed fahmi lahaayeen halka ay u socoto siyaasadda dalka iyo marxaladda kala guurka ah, taas oo muhiimad u leh dowladnimada Soomaaliyeed.

Nuuradiin Aadan Diiriye oo ah la taliyaha madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waxa uu bartiisa Twitter-ka ku qoray in saaxiibada beesha Caalamka ee Soomaaliya fahmaan halka uu jiro xalka Soomaaliya .

“Run ahaantii waa xilligii saaxiibadeenna fahmi lahaayeen oo ay bogaadin lahaayeen in Soomaalida mar kasta ay go’aannadooda sameysan jireen marka la gaaro doorashada dalka, sidaasna ay sii ahaan doonaan. Erayga ‘Qaswade” wax macno ah malaha” ayuu ku yiri Nuuradiin Aadan Diiriye Qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka.

Hadalkaan ayaa waxa uu jawaab uga dhigay qoraal ay Twitter-ka soo gelisay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo lagu sheegay in dhinacyadii ka maqnaa heshiiskii Dhuusamareeb ay yihiin qaswadayaal , Mareykankana uusan sii taageeri Karin.

Maamullada Jubaland iyo Puntland ayaan qeyb ka aheyn heshiiskii nooca doorashada ahaa ee lagu gaaray caasimadda Galmudug.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: