Wararka

War murtiyeed 17 qodob ka kooban ayaa ka soo baxay shirkii madaxda uga socday magaalada…


Waxaa xalay si lama fillaan ahayd Magaalada Dhuusamareeb loogu soo geba-gabeeyay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah ku lahaayen, inkastoo ay ka maqnaayeen laba ka mida Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyne-yaasha Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxay shirka ka soo saareen Warmurtiyeed ka kooban 17 qodob.

Warmurtiyeedka ayaa waxaa ku xusan in lagu heshiiyay in doorashada dalka ay noqoto mid deegaan doorasho, Dowlad Goboleed kastana laga hirgeliyo ugu yaraan afar deegaan doorasho, oo doorashada ay tahay inay ka dhacdo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: