Wararka

Dowlada Somalia ayaa sheegtay in diyaarad Qaad sidda aysan cagta soo dhigan karin dhulka…


Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya, Axmed Macalin oo ka qeyb galayay barnaamijka kulanka Jimcaha ee telefishinka qaranka, ayaa sheegay diyaarad Qaad sidda in aysan cagta soo dhigi karin dhulka Soomaaliya.

Maareeyuhu wuxuu sheegay inay tallaabo ka qaadeen diyaarado ka yimid dalka Kenya oo lagu soo qariyay baakado Jaad ah, isagoo sheegay dowladdu in ay u sahlantay inay ogaato diyaarad kasta oo isku dayda inay qaab kontarabaan ah dalka kusoo galiso Qaadka la mamnuucay.

“100% waxaan kalsooni ku qabnaa inaan gacanta ku hayno kantaroolka hawada Soomaaliya. Diyaarad kasta oo Qaad soo qaada waxaan ku celinaa waddanka ay ka timid. Waxaan la macaamilnaa duuliyayaasha, iyaga ayaa mas’uul ka ah waxa saaran diyaarada,” ayuu yidhi maareeyaha hay’adda duulista Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka Cirka Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomar ayaa sheegay dowladda Kenya in aysan ka filayn in Qaad ay mamnuucday dowladda Soomaaliya kusoo qariso duulimaadyadeeda Soomaaliya.

Oomar ayaa sidoo kale sheegay in ay dowladdu hubisay in diyaaraddaha Qaramada Midoobay lagu soo qariyo Jaad, wuxuu sheegay inay baaritaan ku sameeyeen diyaaraddo UN-ka leeyahay oo laga shakiyay.

Dowladda Soomaliya ayaa bishii march ee sanadkaan mamnuucday Qaadka ka yimaada dalka Kenya sababo la xidhiidha faafitaanka cudurka Covid19.

Balse iyadoo la qaaday xanibaada duulimaadyadii caalamiga ahaa ee Covid19, ayay dowladda Soomaaliya weli meesha ka saarin mamnuucista Qaadka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: