Wararka

Kabtanka kooxda ManUnited Harry Maguire ayaa la sheegay in lagu xiray dalka Giriiga…


Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa sheegtay in kabtankooda Harry Maguire uu “si buuxda ula shaqeynayo booliska dalka Giriigga” kadib markii lasoo tabiyay “fal la sheegay” inuu habeennimadii Khamiista ka dhacay jasiiradda Mykonos.

“Maamulka kooxdu wuu ka war qabaa dhacdada la sheegay inuu ku lug leeyahay Harry Maguire ee xalay ka dhacday Mykonos,” ayaa lagu yidhi bayaan ay maanta soo saartay Manchester United.

“Waa lala xidhiidhay Harry, wuxuuna si buuxda ula shaqeynayaa booliska Giriigga. Xilligan wax faahfaahin dheeraad ah ma bixineyno.”

Warar kasoo baxay gudaha Giriigga ayaa lagu sheegay in Maguire uu ku lug lahaa dhacdada, laakiin ma jirto faahfaahin ku saabsan waxa dhacay.

Daafaca Manchester United iyo xulka qaranka England, oo 27 jir ah, ayaa hadda fasaxa dalxiiska ku jooga Giriigga.

Wuxuu kooxda United ku biiray kaddib markii ay Leicester uga iibsatay lacag dhan £80m – taasoo ahayd kharashkii ugu badnaa ee difaac loogu iibsado caalamka – bishii August ee sanadkii 2019-kii.

Harry Maguire ayey cadho weyn wajigiisa ka muuqatay markii ugu dambeysay ee uu la hadlay warbaahinta, kaddib markii Axaddii kooxdiisa looga adkaaday 1-2, sidaasna looga burburiyay rajadii ay ka lahaayeen inay ku guuleystaan koobka tartanka Europa League.

Sevilla, oo guushaas ku gaadhay ciyaarta kama dambeysta ah, ayaa caawa la ballansan kooxda Inter Milan, oo iyana kasoo adkaatay Shakhtar Donetsk.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: