Wararka

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka hor yimid qodobadii ka soo baxay shirkii ka…


Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa saqdii dhexe ee xalay si wadajira u soo saaray Warsaxaafadeed, ay ku diidan yihiin qodobadii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne-yaasha Puntland iyo Jubbaland ku wadahadleen khadka teleefanka, isla-markaana ay si dhow uga wadahadleen xaaladda dalka.

Sidoo kale waxaa Warsaxaafadeedka lagu sheegay in iyadoo ay labada madaxweyne ixtiraamayan madaxdii ka qaybgashay Shirkii Dhuusamareeb 3, aysan hadana iyagu qayb ka ahayn shirkaasi, isla-markaana aan lagu metelin shirkaasi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: