Wararka

Naadiga Sevilla ayaa ku guuleystay koobka horyaalka Europa League kadib markii…


Naadiga reer Spain ee Sevilla ayaa ku guuleystay horyaalnimada Europa League markii lixaad taariikhdeeda ka dib markii ay garaacday kooxda Inter, dhamaadkii kulamadii kala baxa ee ka dhacay Jarmalka.

Inter ayaa ciyaarta ku soo gashay qaab xoog badan taas oo u fududeysay in xiddiga reer Belguim ee Romelu Lukaku uu helay rigoore una bedelay gool, sidaasna kooxdiisa ugu dhiibay hogaanka daqiiqadii shanaad.

Sevilla ayaa si dhakhso ah kusoo laabatay waxayna hogaanka ciyaarta ku qabatay iyada oo uu laba gool u dhaliyay Luuk De Jong daqiiqadihii 12 iyo 33, ka hor inta aanay Inter Milan soo laaban isla markaana ay barbareyn natiijada ciyaarta, waxaana u dhaliyey daafaca Diego Godin daqiiqadii 36aad.

Qeybtii labaad, Sevilla ayaa dhalisay goolkii seddexaad, waxayna uga mahadcelinaysaa gool uu iska dhaliyay Lukaku daqiiqadii 74aad.

Seville ayaa waxay sii xoojisay hogaankeeda ee qaadashada koobka horyaalka Europa League, waxayna ku guuleysatay 5 jeer oo hore oo ay ku jiraan seddax jeer oo isku xiga intii u dhaxeysay 2014 iyo 2016.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: