Wararka

Afar ruux oo al-Shabaab ku eedeeyeen basaasnimo ayaa lagu fuliyey dil toogasho deegaanka…


Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo waxaa ay xukun toogasho ah ku fuliyeen afar ruux oo ay ku eedeeyeen in ay u basaasayeen Dowlada Soomaaliya iyo dowlada Maraykanka.

1- Diini C/Qaadir Maxamed wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka.
2- Ciise Cismaan Geelle wuxuu u shaqaynayay Sirdoonka Xabashida Itoobiya.
3- Aadan Xasan Max’med wuxuu u shaqaynayay Sirdoonka DF.
4- Cabdi Caziiz Xasan Cabdi wuxuu u shaqaynayay Sirdoonka DF

Al-Shabaab ayaa hore waxaa ay meelo ka mid ah Soomaaliya ku toogteen dad ay ku eedeeyeen inay la Shaqeynayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha taageera, kuwaas oo ay ka qabteen degaannada ay maamulaan iyo meelo kaleba.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11789 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: