Wararka

Deni iyo golihiisa wasiirada ayaa ku dhexmarary kulan albaabadu ay u laaban yihiin xarunta…


Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash, ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee Garowe kulan aan caadi ahayn kula yeeshay golihiisa wasiiradda iyo la taliyayaashiisa dhinacyada siyaasada.

Madaxweyne Deni ayaa golihiisa wasiiradda kala hadlay mowqifka la gudboon ee ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya uu marayo gaar ahaan arrimaha doorashooyinka kadib markii Puntland bannaanka ka istaagtay heshiiskii lagu gaaray shirkii Dhuusamareeb3.

Wax war ah lagama soo saarin kulankaan oo ahaa mid albaabada uu u xirnaa, hase yeeshee warar lagu kalsoon yahay oo aan helayno waxay sheegayaan in madaxweynaha Puntland uu kulamo la qaadan doono siyaasiyiinta, ururada bulshada iyo Isimada si uu uga dhegaysto aragtidooda la xidhiidha dariiqa ay wajahayso Puntland.

Puntland iyo Jubbaland ayaa ku cidlooday is-xulafaysiga siyaasadeed ee Soomaaliya, kadib markii inta badan siyaasiyiintii iyo ururada mucaaradka ay soo dhoweeyeen heshiiska doorashada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: