Wararka

Nin kufsaday gabar sagaal jir ah oo xukunkii ku dhacay loo arkay inuu fudud yahay magaalada…


Maxkamadda Gobolka Bay ayaa xukun loo arkay inuu fudud yahay ku riday nin dhalinyaro ah, oo kufsaday gabar sagaal sano jir ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Bay, Sheekh Ibraahim Maxamed Cali ayaa shan sano oo xarig ah ku xukumay Maxamed Aadan Cali, oo labaatan jir ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ninkaasi uu Magaalada Baydhabo ku kufsaday Cayni Cabdullaahi Baariyow, oo da’deeda uu ku sheegay sagaal jir.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Bay ayaa sidoo kale sheegay in ninkaasi uu maxkamadda ka hor qirtay dacwadii lagu soo oogay, isagoo intaa ku daray in maxkamaddu amartay inuu bixiyo meherka gabadhaasi.

Sheekh Ibraahim Maxamed, Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Bay ayaa xusay in labada dhinacba uu u furanyahay rafcaan muddo bil ah.

Ehelada dhibanaha iyo dadka deegaankuba ma soo dhaweyn xukunka ku dhacay ninkaasi, sababo ku aadan xukunka oo loo arkay inuu yahay mid fudud.

Taasi bedelkeeda waxaa xukunkaasi soo dhaweeyay Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed, Maxamed Xasan iyo Wasiirka Haweenka & Xuquuqul Insaanka, Fahiima Cismaan Cumar iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Degmada Baydhabo, Xaawo Cali Sokor.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11401 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: