Wararka

TikTok ayaa qorsheyneysa in ay dacwad ka gudbin doonto amarka Trump maalinta Isniinta…

FILE PHOTO: Tik Tok logos are seen on smartphones in front of a displayed ByteDance logo in this illustration taken November 27, 2019. REUTERS/Dado Ruvic/Illustration/File Photo

App-ka TikTok ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu maalinta Isniinta dacwad ka gudbin doonto oo ka dhan ah amarka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee uu ku mamnuucayo App-ka caanka ah ee barnaamijyada fiidiyowga gaagaaban iyo shirkadda hooyada ee ByteDance.

Reuters ayaa si gaar ah u sheegtay Jimcihii in TikTok uu ka horimaan doono fulinta amarka Trump Isniinta.

App-ka TikTok ayaa sheegay inuu muujiyey isku day ay kula xiriirayeen maamulka Mareykanka muddo ku dhow hal sano, laakin waxay kala kulmeen dhowris la’aanta nidaamka xuquuqeed ee waajibka ah, sidoo kale waxay intaasi ku dareen in dowladu aanay xiiseynin ama rabin xaqiiqada.

“Ma lihin ikhtiyaar aan ahayn inaan rafcaan ka qaadno amarka fulinta anagoo u mareyna nidaamka garsoorka,” ayay shirkaddu ku tiri hadal ay soo saartay.

Milkiilaha shirkadda TikTok ee ByteDance, ayaa soo saartay bayaan gaar ah Axaddii iyagoo sheegay inay dacwad ka gudbinayaan maamulka Trump maalinta Isniinta, 24ka Agoosto.

Trump wuxuu soo saaray amar fulin ah 14kii Agoosto isagoo u oggolaanaya shirkadda ‘ByteDance 90 maalmood’ inay iibiso maalgashikeeda Tik Tok ee gudaha Mareykanka.

Saraakiisha Mareykanka waxay walaac ka muujiyeen suurtagalnimada in macluumaadka dadka adeegsada App-ka ay u gudbiyaan dowladda Shiinaha.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11772 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: