Wararka

Urur siyaasadeedka Mideeye ee Puntland ayaa taageeray heshiiskii ka soo baxay Dhuusamareeb…


Dood ayaa ka dhalatay gudaha Puntland markii mid kamid ah ururada siyaasada Puntland uu taageeray war murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb ugu soo gabagaboobay Dowladda Federalka iyo dowlad goboleedyada.

Urur siyaasadeedka Mideeye oo kamid ah toban urur siyaasadeed kuwo ugu saameynta badan Puntland ayna ku midaysan yihiin siyaasiyiin miisaan culus ku leh Puntland gudaheeda ayaa shalay bayaan uu soo saaray ku taageeray heshiiska doorasho ee lagu gaaray Dhuusamareeb.

Ururka ayaa ugu baaqay Puntland iyo Jubbaland inay ka qeyb qaataan dadaalada xal u raadinta mustaqbalka Soomaaliya ayna qeyb ka ahaadaan shirarka soo socda.

Markii uu ururka warkaan uu soo saaray ayaa dad badan oo isugu jira siyaasiyiin caan ah iyo aqoonyahanno waxay bayaankaas kasoo baxay ururka Mideeye ku tilmaameen mid dhaawac ku ah miisaanka iyo midnimada Puntland islamarkaana ururku faraha lasoo galay arrimo aan khusayn oo u taala xukuumada Puntland.

Qaar kale ayaa ku dooday in ururku awood u leeyahay inuu soo bandhigi karo aragtidiisa siyaasadeed ee uu qabo uuna sixi karo wixii Puntland ka khaldama.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11754 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: