Wararka

Ninkii dadka ku laayey Masaajidda Christchurch ee New Zealand ayaa maanta bilaabaneysa…


Magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaa maanta oo Isniin ah ka bilaabaneysa dhageysiga maxkamadda Brenton Harrison oo nin Australian ah, kaas oo Mulsimiin ku dukaneysay masaajiddo ku dilay 51 qof bishii March 2019.

Brenton Tarrant, oo lagu sifeeyay weerarkiisa mid argagixiso ayaa qirtay weeraradan, waxaana uu sheegay in uu doonayay in uu ku dilo Muslimiinta ugu badan oo macquul ah.

Maxkamadeyntiisa ayaa waxaa ay muddo afar maalmood ah ka soconeysaa maxkamadda Christchurch High Court.

Bishii Maarso ee sannadkan ayaa waxaa kasoo wareegtay muddo sannad ah weerarkaasi, waxaana qeyb ka ahaa dadka ku waxyeeloobay dad Soomaali ah.

Dhibanayaasha ayaa lagu casuumay ka qeybgalka dhageysiga dacwadda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11785 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: