Wararka

Laacibka reer Brazil ee Ronaldinho ayaa laga sii daayay xabsi gurigii uu ku xirnaa dalka…


Laacibka reer Brazil Ronaldinho ayaa laga sii daayay xabsi gurigii uu ku xirnaa ee dalka Paraguay. Wuxuu ciyaartoygan u xirnaa heysashada baasaboorro been abuur ah.

Ronaldinho oo koobka adduunka ku guuleystay iyo walaalkii ayaa muddo ku qaatay xabsi qol ah oo ku dhexyaalla hoteel qaali ah oo ku yaalla caasimadda Paraguay ee Asuncion.

Labadoodaba waala sii daayay hadda, balse waa in ay bixiyaan illaa $200,000 oo dollar.

Ronaldinho wuxuu lahaa mustaqbal dhalaalaya oo dhanka ciyaaraha ah ka hor inta uusan ka fariisan, sannadkii 2015-kii.

Wuxuu qeyb ka ahaa laacibiintii Brazil ku hoggaamisay in ay hanato koobkiii shanaad ee tartamaha ciyaaraha adduunka ee 2002-dii.

Sidoo kale wuxuu qaaday koobka Champions League iyo laba koob oo La Liga ah intii uu Barcelona u dheelayay.

Wuxuu ka dib u ciyaaray kooxaha Paris Saint-Germain iyo Inter Milan.

Ronaldinho wuxuu dalkaas u tagay in uu xayeysiiyo olole lagu hormarinayo carruurta u baahan taageerada dheeraadka ah.

Wuxuu xuska dhalashadiisa 40-aad ku qaatay xabsiga. Kadibna waxaa loo ogolaaday inuu u wareego hoteel qaali ah oo si damiin ah uu ku degganaa.

Dacwad-oogayaasha waxay aaminsan yihiin in laacibkan uusan ka warhayn inuu baasaboor been ah sitay, balse walaalkii uu arrintaa la socday. Si kastaba, labadoodaba waxay sheegeen in aysan dembi lahayn.

“Feejignaantii ahayd in la xiri karo ayaa meesha laga saaray, dhamaan xayiraadda ay saartay waaxda cadaaladda ee Paraguay na waa laga qaaday,” ayuu yiri Garsoore Gustavo Amarilla oo Isniintii ka hadlay maxkamadda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: