Wararka

Mike Pompeo ayaa booqasho ku tagay dalka sudan isagoo si toos ah uga soo baxay dalka Israel…


Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa booqasho ku tagay dalka Sudan, isagoo si toos ah uga soo baxay dalka Israel.

Mike Pompeo ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abadalla Hamdouk, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga iyo xiriirka cusub ee u bilowday Mareykanka iyo Sudan. Pompeo ayaa la sheegay in madaxda Sudan uu kala hadli doono sidii cilaaqaad diblomaasi ula sameysan lahaayeen dalka Israel

Tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, waxaa isbedel ku yimid Sudan waxayna gashay marxalad cusub, ismarkaana geed dheer iyo mid gaaban u kortay sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta iyo liiska dowladaha taageera argagixisada iyagoo markaasi lagu xiray shardi ah inay magdhow ka bixiyaan dhibaatadii loo geystay badmaaxyadii markabkii USS Cole oo lagu qarxiyey xeebta Aden ee Yemen sanadkii 2000 iyo weeraradii argagixiso ee lagu bartilmaansaday safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania.

Sidoo kale Mike Pompeo ayaa goordhow kula kulmi doona magaalada Khartoum Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo saaka gaaray magaalada Khartoum iyo madaxa golaha siyaadada ee Sudan General Cabdulfatah Burhan.

Imaatinka Abiy ee Khartoum ayaa ahaa la kulanka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo, maadaama dalka Itoobiya qalalaase siyaasadeed uu ka jiro oo ka dhashay muddo kororsiga uu sameystay iyo dib u dhaca ku yimid doorashada dalkaas, waxaana rabshadihii dhowaan Itoobiya ka dhacay ku dhintay dad fara badan, halka xabsiga loo taxaabay siyaasiyiinta mucaaradka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11771 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: