Wararka

Aktarad caan ka ah dalka Afghanistan ayaa lagu toogtay magaalada Kabul ee caasimada…


Aktaradda caanka ah Saba Sahar, islamarkaana aheyd haweeneydii ugu horeysay ee agaasime ka noqto filim dalka Afghanistan, ayaa lagu toogtay caasimadda Kabul.

Haweneydaan oo 44-jirka ah ayaa loo qaaday Isbitaal iyadoo aan la ogeyn xaddiga dhaawaceedu gaarsiisan yahay.

Ninkeeda, Emal Zaki, ayaa sheegay in ay usocotay shaqada markii seddex nin oo hubeysan ay rasaas ku fureen gaarigeeda. Mana jirto koox sheegatay mas’uuliyada weerarka.

Ms Sahar waxay ka mid tahay jilayaasha ugu caansan Afghanistan, sidoo kale waa agaasime iyo u ololeeya xuquuqda haweenka.

Toogashadu waxay ka dhacday galbeedka Kaabul, ayuu yri Mr Zaki oo la hadlay BBC-da. Waxaana la saarnaa gaariga Ms Sahar laba ilaaliye, ilmo yar iyo darawal.

Ragii ilaalinayay ayaa sidoo kale dhaawacmay ilmaha yar iyo darawalka iyaga wax dhaawac ah kama soo gaarin weerarka .

Mr Zaki wuxuu sheegay inuu maqlayay rasaasta shan daqiiqo ka dib markii xaaskiisu guriga ka tagtay. Waxaa uu sheegay in markii uu wacay ay u sheegtay in la toogtay oo caloosha xabad looga dhuftay.

“Waxaan gaaray goobta waxaana u tagay dhamaantood oo dhaawac ah” ayuu yri Mr Zaki.

Hay’adda xuquuda aadanaha ee Amnesty International ayaa walwal ka muujisay weerarada lagu hayo jilayaasha filimada, kuwa u ololeeya siyaasadda iyo difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee gudaha dalka Afghanistan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: