Wararka

Dhakhtar Mareykan ah ayaa akoonkiisa bangiga ka helay lacag dhan $2.45 bilyan oo is mooday inuu…


Dhakhtar Mareykan ah ayaa akoonkiisa bangiga ka helay lacag dhan $2.45 bilyan, sidaa darteed wuxuu mooday inuu noqday bilyaneer, laakiin farxaddiisa ma aysan waarin.

Blaise Aguirre, oo ah dhakhtar cilmu-nafsi Mareykan ah oo ku nool magaalada Massachusetts, ayaa ogaadey markii uu furay akoonkiisa App-ka bangiga ee telefoonkiisa in lagu soo shubay lacag gaareysa 2.45 bilyan dollar, sida uu u sheegay Wakaaladda Bloomberg ee Mareykanka, waxaana laga soo xigtay wargeyska Faransiiska ee “Le Figaro”.

Wargayska ayaa ku waramay fariin la faafiyey waqtigii lacagta la helay, copy ka mid ah xisaabta Aguirre ee bangiga, halkaasi oo lagu arkay numbar lacageed oo dheer oo ka koobnaa tobon numbar.

Waqtigaas wuxuu yiri, “Khalad baa jira.” Taasina waxaa u xaqiijiyay la-taliyihiisa dhinaca bangiga, kaasoo soo wacay 15 daqiiqo kadib isagoo u sheegay inuu jiray khalad, aysan jirin wax intaasi ka badan, ayna dhacdo mararka qaar, sidaasina ku burburtay farxadiisa.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11401 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: