Wararka

Maxkamada Gobolka Nugaal ayaa u fariisatay dhageysiga kiis kufsi iyo dil ahaa oo Garowe ka…


Waxaa saaka Maxamada Darajada Kowaad ee Gobolka Nugaal u fariisatay dhegaysiga kiis kufsi iyo dil ah oo sanadkii hore Garowe loogu geystay allaha u naxariistee marxuumaad Hodon Shanlayste.

Maxkamada ayaa la horkeenay 7 nin oo kiiskaan u xiran, kuwaas oo ciidamda ammaanku gacanta kusoo dhigeen, lamase hubo inay yihiin raggii falkaan ka dambeeyay iyo in kale.

Marxuumada ayaa sanadkii hore bilowgiisii iyadoo xilli duhur ah oo ay gurigeeda ku sugan tahay, waxaa u soo dhacay dhowr nin oo kufsi wadareed u geystay kadibna ku dilay bac ay madaxa u galiyeen.

Dhegaysiga kiiskaan ayaa marar badan dib u dhacay sababo la xiriira caddeymaha kiiskaan oo qabyo ahaa iyo cudurka coronavirus oo saameyn ku yeeshay shaqooyinka maxkamada qaban jireen.

Kiiskaan waa kiiskii labaad oo kufsi oo ugu xumaa oo Puntland gudaheed ka dhacay, kiiskii ka horeeyay wuxuu ahaa midkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan oo raggii dilay lagu fuliyay xukun dil ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11447 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: