Wararka

Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyey in weerar dhinaca cirka ahaa lagu dilay hogaamiye sare…


Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay in weerar dhinaca cirka ah shalay lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Taliska AFRICOM ayaa qoraal ku sheegay in duqeynta lagu dilay Sarkaalkaasi, ay ka dhacday agagaarka Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Warka laguma sheegin magaca Sarkaalkaasi iyo weliba xilka uu ka hayay Ururka Al Shabaab, balse waxay sheegeen in la sii wadi doono duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab.

Wakaaladda Wararka SONNA ayaa xalay baahisay in weerar dhinaca cirka ahi lagu dilay Cabdulqaadir Cismaan Yarow (Cabdulqaadir Kumaandoos), oo horey u soo noqday Madaxii Jabhadaha ee Al Shabaab.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11767 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: