Wararka

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ka qeyb geli doona shir la filayo inuu ka dhaco Mogadishu…


Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa soo gabagabeeyay kulamo gaar ah oo magaalada Garowe uga socday, kuwaasoo ay uga tashanayeen mowqifkooda siyaasadeed ee heshiiskii Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sheegaya in labada mas’uul ay isku raaceen in ay ka qeyb galaan shir la filayo inuu ka qabsoomo magaalada Muqdisho.

Puntland iyo Jubbaland oo haatan keli ku ah diidmada heshiiska Dhuusamareeb, waxay aqbaleen dalab beesha caalamka ka yimid oo ah inay ka qeyb galaan shirka Muqdisho, iyadoo beesha caalamka ka shaqeynayso sidii hoggaamiyayaasha Soomaalida heshiis buuxda u gaari lahaayeen.

Deni iyo Axmed Madoobe wax heshiis ah oo ay kagasoo horjeedaan heshiiska Dhuusmareeb kuma galin Garowe, balse waxay isku afgarteen inay miiska horgeeyaan mowqifkooda iyo waxyaabaha ay saluugsan yihiin.

Axmed Madoobe iyo wafdigiisa waxaa lagu wadaa inay maanta ku laabtaan magaalada Kismaayo, waxaa la filayaa in labada maamul ay soo saaraan war murtiyeed ku saabsan wada hadalkii dhex maray labada mas’uul.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11368 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: