Wararka

Sarkaal ka tirsanaa al-Shabaab ayaa isu dhiibay Ciidamo ku sugan degmada Qansax-dheere…


Wararka ka imanaya gobolka Bay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa ururka Al-Shabaab uu isu dhiibay ciidamo ku sugan degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay.

Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Xasan ayaa la sheegay in uu muddo dhowr sano ah ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, isla markaana uu ka howlgalayay tuulooyin hoostaga degmada.

Sarkaalka ka tirsanaa Al-Shabaab ee Ciidamada isku soo dhiibay ayaa waxaa uu watay qori AK47 iyo Booshkiisa, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku wareejin doonaan.

Is dhiibida sarkaalkan ayaa timid maalmo kadib markii weeraro xooggan ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku soo qaadeen saldhigyo ay Ciidamada Dowlada ku lahaayeen Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: