Wararka

Museveni ayaa riyo lagu farmay in la duceysto sidaasina maalinta beri ka dhigay maalin…


Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni wuxuu shaaciyey shalay inuu go’aansaday in maalinta beri, August 29, 2020, ay tahay fasax rasmi ah iyo maalin cibaado qaran si looga takhaluso cudurka faafa ee Coronavirus, isaga oo taasi ku saleeyey riyo uu arkay, taasi oo baraha bulshada ka dhalisay dood u dhaxeeysa taageerayaalka Madaxweynaha iyo kuwo ka soo horjeeda.

Madaxweyne Museveni ayaa ku sheegay labo tweet in nin reer Uganda ah uu ku arkay riyo, kaas oo u sheegay in Eebe uu rabo in la sameeyo maalin cibaado qaran oo loo duceeyo dalka oo ay ku dalbanayaan mu’miniinta khaaliska ah Rabigooda inuu ka tirtiro cudurka coronavirus.

Madaxweyne Museveni ayaa wuxuu intaas ku daray iyadoo taasi laga duulayo uu go’aansaday inuu berito ay noqoto maalin fasax rasmi ah oo waddanka lagu qabto salaado, isagoo Ugaandheeska ugu yeeray inay salaadda ku tukadaan guryahooda ama xarumahooda deegaan.

In kasta oo qaar ka mid ah ay ku jees jeeseen tweet-ka Madaxweynaha, haddana go’aanka Museveni wuxuu muteystay soo jiidasho badan ee dadka reer Uganda oo u arkay fasax cusub oo rasmi ah oo lagu daray maalmaha fasaxa rasmiga ah ee waddanka.

Qaar ka mid ah dadka baraha bulshada ku doodayey ayaa codsaday in la dheereeyo maalinta salaada, si ay u ahaato saddex maalmood halkii maalin keliya ka aheyd, waayo hal maalin oo salaad duco ah kuma filna, sida ay sheegeen qaar ka mid ah.

Halka qaarkood ay is weydiiyeen in Madaxweynaha bal inuu riyada ku arkay in la yiri ka deg xukunka maadaama uu xukunka hayey 34 sano.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11766 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: