Wararka

RW Japan ayaa lagu wadaa inuu isu casilayo sababo la xiriira xaaladiisa caafimaad awgeed…


Rai’sal wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa lagu wadaa inuu isu casilayo sababo la xiriira xaaladdiisa caafimaad sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Rai’sal wasaaraha ayaa muddo sanada ah la xanuunsanaa gaaska caloosha balse waxaa la aaminsan yahay in xaaladdiisa ay ka sii dartay maalmihii dambe.

Bilowgii toddobaadkan, waxaa uu noqday rai’sal wasaarihii ugu muddada dheera dalkaasi Japan kadib markii uu xafiiska la wareegay sannadkii 2012-kii.

Rai’sal wasaaraha ayaa waxa uu xanuunkan oo ku dhaca mindhicirka weyn ka cabanayay tan iyo yaraantiisii.

Laba goor ayaa isbitaal booqday toddobaad gudihii waxayna taasi keentay in su’aal la geliyo xaaladda caafimaad ee Mr Abe. Ma uusan shaacin sababta uu isbitaalka u booqday, balse waxaa jira warar sheegaya in isbitaalka uu ku jiray muddo 8 saacadood ah.

Muddo xileedkisa ayaa waxa uu ku ekaa sannadka 2021-ka. Saraakiisha xisbigiisa LDP ayaa markii hore gaashanka ku dhuftay is casilaadda Abe iyagoo ku doodayay in xaaladda caafimaad ee rai’sal wasaaraha ay wanaagsan tahay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11390 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: