Wararka

Turkiga ayaa ku wareejiyey Ciidanka Somalia gawaarida gaashaaman ee aan karin miinada…


Warsaxafaadeed kasoo baxay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Turkigu ku wareejisay dowladda Soomaaliya Gawaarida U-adkeysata Miinada ee loo yaqaan “Kirpi”

Gawaarida oo ka kooban 12 xabbo ayuu Turkiga ku sheegay inay yihiin gawaaridii ugu horraysay ee gaashaaman oo ay yeelan doonaan Ciidamada Qaranka Soomaaliya ee SNA.

Ujeedada Turkigu u bixiyay gawaaridan gaashaaman ayaa ah, si ay u taageeraan dagaalka ay Ciidamada Qaranka kula jiraan kooxda al-Shabaab.

“Maanta, waxaan halkaan u joognaa inaan la wareegno gawaaridan gaashaaman ee casriga ah ee aan ka helnay walaalaheenna Turkiga. Waxaan uga mahad celineynaa taageeradooda militari,” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Qalabka Sidda ee Soomaaliya, Gen. Odawaa.

Turkiga ayaa deeqdan milatari sheegay inay qeyb ka tahay heshiisyo militari iyo iskaashi dhaqaale oo laba geesood ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Qaranka Turkiga.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: