Wararka

Golaha Ammaanka ee QM ayaa u kordhiyey waqtiga howlgalka UNSOM ilaa sanadka dambe…

FILE PHOTO: The United Nations Security Council meets about the situation in Syria at United Nations Headquarters in the Manhattan borough of New York City, New York, U.S., February 28, 2020. REUTERS/Carlo Allegri/File Photo

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar lagu cusbooneysiinayo howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), illaa iyo 31ka Agoosto, 2021.

Qaraarka oo tirsigiisu yahay 2540, oo ay si wadajir ah u qaateen 15-ka xubnood ee golaha, ayaa ka codsanaya UNSOM inay ilaaliso oo ay sii xoojiso joogitaankeeda dhamaan Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ee Soomaaliya, iyada oo la raacayo shuruudaha amniga ee UN-ka iyo sida xaaladda amni tahay.

Golaha Ammaanku wuuxu u muujiyey taageerada UNSOM ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta siyaasadda loo dhan yahay iyo u diyaargarowga doorashooyinka 2021, geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, dhexdhexaadinta, ka hortagga iyo xallinta khilaafaadka, horumarinta Booliska Federaaliga ah iyo nidaamka garsoorka, xoojinta ku dhaqanka sharciga iyo dib u habeynta waaxda amniga, iyo isku-dubaridka taageerada kobcinta awooda ee arrimaha la dagaalanka musuqmaasuqa.

Goluhu wuxuu ku booriyay mas’uuliyiinta Soomaaliya inay abuuraan jawi siyaasadeed iyo nabadgelyo oo ku habboon doorashooyinka loo dhan yahay ee guud ahaan Soomaaliya iyo heerar kasta si loo kobciyo hannaanka siyaasadeed, la hubiyo xuquuqda iyo waajibaadka xisbiyada siyaasadeed ee sharci ahaan loo dhisay, la dhowro xuquuqda aasaasiga ah, lana cambaareeyo hurinta rabshadaha.

Wuxuu ugu baaqay Dowladda ederaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka inay sare u qaadaan la-tashiyada iyo dhismaha is-afgarad iyada oo loo marayo habab wadatashi oo heer walba leh.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11787 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: