Wararka

Jared Kushner ayaa la filaya inuu tago Bariga Dhexe si uu madaxda Carbeed ugu cadaadiyo ka soo…

WASHINGTON, DC - FEBRUARY 10: (AFP OUT) White House Senior Advisor to the President for Strategic Planning Jared Kushner (L) and his wife and President Donald Trump's daughter Ivanka Trump walk down the West Wing Colonnade following a bilateral meeting between Trump and Japanese Prime Minister Shinzo Abe February 10, 2017 in Washington, DC. Trump and Abe are expected to discuss many issues, including trade and security ties and will hold a joint press confrence later in the day. (Photo by Chip Somodevilla/Getty Images)

Wiilka uu sodogga u yahay Madaxweynaha Mareykanka isla markaasna ah lataliyihiisa, Jared Kushner, ayaa la qorsheeyay inuu gaaro waqti dambe Bariga Dhexe, si loogu cadaadiyo madax badan oo Carbeed inay ka soo qeyb galaan xafladda saxiixa heshiiska Imaaraatka iyo Israa’iil, kaas oo martigalin doona Aqalka Cad.

CNN ayaa soo werisay in ujeedada safarka uu ku tagayo wiilka uu sodogga u yahay Trump ee gobolka ay tahay “in lagu dhawaaqo guul naadir ah oo laga gaaray siyaasada dibadda, iyo in laga caawiyo kor u qaadida fursadaha Donald Trump ee ku aaddan doorashada madaxtinimada ee la qorsheeyay November-ta soo socota.”

Imaaraatka iyo Israel ayaa dhowaan ku dhawaaqay inay caadi ka dhigayaan xiriirkooda si kaamil ah, iyada oo uu dhexdhexaadinayo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Maalmihii la soo dhaafay, Abu Dhabi waxay qaabishay saraakiil iyo siyaasiyiin reer Israel ah, sidoo kale Amiirka dhaxalka leh Mohammed bin Zayed ayaa wuxuu wacay Rai’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Telefishanka CNN oo soo xiganaya diblomaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan Congress-ka ayaa sheegay in wiilka uu sodogga u yahay madaxweynaha uu shukaaminayo dhowr hogaamiye oo carbeed si uu ugu riixo inay ka soo qayb galaan xaflada sixiixa, hadafkuna wuxuu qayb ka yahay ajandayaasha howlgalkisa ee gobolka.

Ilo wareedyo rasmi ah ayaa tilmaamaya in kuwa ay Khusayso ka soo qeybgalka ay yihiin hogaamiyaasha Masar, Jordan, Baxrayn iyo Cumaan. Waxay intaas ku dartay in dalalkan qaarkood ay ka baaran degayaan suurta galnimada ka qeybgalka xafladda iyo cidda matali doonta.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11754 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: