Wararka

M/weynaha Imaaraatka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed ayaa soo saaray wareegto lagu joojinayo…


Madaxweynaha Isutaga Imaaraatka Carabta, Khalifa bin Zayed Al Nahyan, ayaa soo saaray wareegto uu ku joojinayo qaadacaada Israel iyo ciqaabihii ka ratibmay, kadib markii lagu dhawaaqay heshiiska nabadeed ee labada dhinac.

Sida laga soo xigtay saxaafadda maxalliga ah, waxaa suurtagal ah, ka dib baabi’inta Sharciga Qaadacaada Israel in shakhsiyaadka iyo shirkadaha Imaaraatka ay heshiisyo la geli karaan hay’ado ama shakhsiyaad ku nool Israel ama heysta jinsiyadooda ama ka shaqeeya maslaxadeeda meel kasta oo ay joogaan, heer ganacsi, hawlgallo lacageed, ama macaamil kale oo nooc kasta ah.

Waxaa sidoo kale loo oggolaan doonaa in la soo geliyo dalka waxa ka soo baxa Israel nooc kasta lagana ganacsan karo iyo wax is weydaarsi.

Bishan 13-kii ayey aheyd markii Abu Dhabi iyo Tel Aviv ay ku dhawaaqeen in la aasaasayo xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa oo dhexmara labada dal, sida lagu sheegay bayaan ay si wada jir ah u soo saareen Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Amiirka leh dhaxalka Imaaraatka Mohammed bin Zayed Al Nahyan iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Sida ku xusan heshiiska, UAE iyo Israel waxay isdhaafsan doonaan safiiro waxayna iska kaashan doonaan dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin amniga, waxbarashada iyo caafimaadka.

Trump ayaa sheegay in xafladda saxiixa heshiiska la filayo inay ka dhacdo Aqalka Cad toddobaadyo gudahood.

Dhina kale, Maamulka Falastiin ayaa cadeeyay in heshiiska “uu burburiyey Hindisahii Carabta ee nabadda” waxayna ku tilmaameen “khiyaano laga galay Qudus iyo Al-Aqsa iyo go’aanadii ka soo baxay shirarkii Carabta iyo Islaamka iyo sharciyada caalamka, iyo cadowtinimo ka dhan ah dadka Falastiin.”

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: