Wararka

Rabshado ayaa ka dhacay magaalada Malmo ee dalka Sweden kadib markii la gubay nuqul ka…


Booliska Sweden ayaa sheegay in rabshado ay Jimcihii ka dheceen magaalada Malmö, koonfurta dalka, kadib markii boqolaal qof ay isugu soo baxeen iyagoo ka mudaaharaadaya gubitaanka nuqul ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah oo ay gubeen kooxaha midigta xagjirka ah.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in mudaharaadayaashu ay ku tuureen booliska wax walba oo gacmahooda ku jiray, sidoo kale waxaa dab la qabadsiiyey taayeerada gawaarida.

Wargeysyada maxalliga ah ayaa ku waramay in Malmö ay goobjoog u ahayd dhaqdhaqaaqyo dhowr ah oo Islaam-nacayb ah Jimcihii, oo ay ku jiraan seddax qof oo haraatiyey nuqul ka mid ah Qur’aanka Kariimka meel fagaare ah.

Wargayska Aftonbladet ayaa sheegay in mudaharaadyada ka dhanka ah islaamka ay dhaceen ka dib markii Rasmus Paludan, oo ah hogaamiyaha xisbiga midigta xagjirka ah ee Denmark loo diiday ogolaanshaha inuu ka qayb galo kulan ka dhacaya Malmö, isaga oo laga horgoogsaday inuu xadka Sweden ka soo gudbo.

Sweden ayaa ku dhawaaqday Jimcihii in Paludan, oo caan ku ah kicinta muslimiinta, laga mamnuucay inuu soo galo dhulkeeda mudo labo sano ah, sababtoo ah wuxuu u taagan tahay “khatarta danaha aasaasiga ah ee bulshada.”

Waxaa qorsheysnaa in ninkan xagjirka garabka midig ah uu tago Malmö Jimcahii, si loo abaabulo mudaaharaad looga soo horjeedo Muslimiinta, wuxuuna ku baaqay in la gubo Quraanka Kariimka ah.

Paludan – oo ah qareen isla markaana u dhaqdhaqaaqa ka tirsan YouTube – wuxuu si joogto ah u hogaamiyaa banaanbaxyo ay ku lug leeyihiin tiro dad ah si ay u muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan soogalootiga iyo waxa uu u arko Islaameynta bulshada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: