Wararka

Arsenal ayaa ku guuleysatay koobka FA Community Shield kadib markii gool ku laad uga badisay…

Soccer Football - FA Community Shield - Arsenal v Liverpool - Wembley Stadium, London, Britain - August 29, 2020 Arsenal players celebrate with the trophy after winning the FA Community Shield, as play resumes behind closed doors following the outbreak of the coronavirus disease (COVID-19) Pool via REUTERS/Justin Tallis

Arsenal ayaa ku guuleysatay koobka FA Community Shield markii 16aad ee taariikhdeeda, ka dib markii ay rigoorayaal uga badiyeen Liverpool 5-4, kadib markii ay ku dhamaatay ciyaarta waqtigii asliga ahaa barbaro 1-1, bilowga xilli ciyaareedka cusub 2020-2021.

Ciyaartii dhexmartay Liverpool, oo heysata horyaalnimada Premier League, iyo kooxda Arsenal, oo ah horyaalka FA cup-ka, ayaa lagu qabtay Wembley Stadium.

Goolka Arsenal waxaa dhaliyay xiddiga reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang daqiiqadii 12-aad weerar abaabulan oo uga yimid dhanka midig.

Liverpool ayaa la timid goolka barbaraha daqiiqadii 73-aad waxaana u dhaliyay laacibkeeda reer Japan Takumi Minamino kaasoo ka faa’iideystay qalad uu galay daafaca iyo jahwareer ka yimid ciyaartoyda Arsenal wuxuuna dhaliyey gool.

Labada koox ayaa ku qasbanaaday in ay aadaan gool ku laad maadaama ay ku kala baxeen 1-1, sidaa darteedna Arsenal ayaa 5-4 uga badisay Liverpool, taasi oo ka dhigeysa koobkii labaad ee 2020 khasnadooda ay dhigtaan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11805 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: