Wararka

Diyaaradii ugu horeysay oo Israel laga leedahay oo duulimaad ku tagta dalka Imaaraatka Carabta…


Diyaaradda El Al ayaa goor dhow ka degatay Magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraatka Carabta, ka dib markii ay ka soo duushay Garoonka Ben-Gurion ee Magaalada Tel Aviv.

Diyaaradda ayaa siday wafdi ka socday Mareykanka iyo Israel, sida Lataliyaha sare ee Madaxweyne Donald Trump, Jared Kushner iyo Lataliyaha Amniga Qaranka Israel, Meir Ben-Shabbat.

Waa diyaaraddii ugu horeysay oo Israel laga leeyahay oo duulimaad ku tagta dalka Emirate-ka Carabta, inta ay taariikhda qoreyso.

Mareykanka ayaa ka shaqeeyay inay labada dhinac isu soo dhawaadaan, sida uu sheegay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Benjamin Netanyahu, Ra’iisal Wasaaraha Israel ayaa Axadii wafdi ka socday dalka Mareykanka u sheegay inay wadahadalo qorsoodi ah kula jiraan dalal kale oo Carbeed, kuwaa oo sida uu sheegay raaci doono wadada Imaaraatka Carabta.

Xiriirka curdunka ah ee u bilowday Abu Dhabi iyo Tel Aviv ayaa waxaa si weyn uga horyimid Falastiiniyiinta ay dhulkooda xoogga ku haysato Israel.

Maamulka Abu Dhabi ayaa aqbalay in uu xiriir iskaashi la bilaabo Israel, iyadoo aan weli xal rasmi ah laga gaarin colaadda Falastiiniyiinta kala dhaxeysa Israel.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12158 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: