Wararka

M/weynaha Koonfur Afrika ayaa la sheegay inuu marin habaabiyey baarlamaanka beenna ka…


Saraakiisha xisbiga talada haya ee Koonfur Afrika ayaa sheegay in Madaxweyne Cyril Ramaphosa uu hor imaan doono guddiga anshaxa si uu uga jawaabo su`aalo ku saabsan lacag la sheegay in la geliyay ololaha hoggaanka xisbigaas.

Balse Jessie Duarte, oo ka tirsan xisbiga ANC ma uusan sheegin xilliga rasmiga ah ee Mr Ramaphosa uu hor imaan doono guddiga.

Warbixin ay soo saartay waaxda ka hortagga musuqmaasuqa ee Koonfur Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in Mr Ramaphosa uu marin habaabiyay baarlamaanka beenna uu ka sheegay lacag uu helay sanadkii 2017, taas oo dhan $35,955(£26,900).

Mr Ramaphosa ayaa ku adkeysanaya in lacagtaasi ay ahayd deeq loogu talo galay ololihiisii hoggaaminta xisbiga ANC.

Madaxweyne ahaan, Mr Ramaphosa ayaa qalqal geliyay sumcaddiisa ku aaddan hagaajinta siyaasadda Koonfur Afrika tan iyo intii uu beddelay Jacob Zuma.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11754 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: