Wararka

Qaraxyo ayaa ka dhacay magaalooyinka Abu Dhabi iyo Dubai oo hal qof ku dhintay iyo tiro…


Labo qarax ayaa maanta ka dhacay dalka Imaaraatka Carabta oo hal qof ku dhintay iyo tiro dad ah ku dhaawacmay oo ka kala dhacay caasimada Abu Dhabi iyo magaalada dalxiiska ee Dubai, sidaasi waxaa sheegay booliska.

Qaraxa ka dhacay Dubai waxaa sababay haan gaas ah oo ku qaraxday maqaayad waqti hore saaka oo Isniin ah, waxaana ku dhintay hal qof.

Sidoo kale waxaa Qarax xoogan ka dhacay magaalada Abu Dhabi ee Imaaraatka Carabta oo daryankiisa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaaladaasi.

Qaraxa ayaa ka dhex dhacay dhisme ay ku dhex taalo maqaaxi lagu magacaabo KFC. Maqaaxidan la bartilmaameedsaday ayaa sidoo kale ku taala wadada gasha Garoonka Abu Dhabi.

Qaraxan waxaa lagu soo beegay, xilli ay garoonkaasi ka cago-dhiganeysay diyaaraddii ugu horeysay oo Israel laga leeyahay oo maanta duulimaad ku tagtay dalkaasi.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray xoogaga ammaanka, kuwaa oo wadooyinka soo gala xiray, sidoo kalana waxay ciidamadu baaritaan ka wadaan gudaha maqaaxida, iyagoo markaasi raadraac ku sameynaya kuwii qaraxaasi ka dambeeyay.

Saraakiisha ammaanka ayaan weli ka hadlin nooca uu qaraxu ahaa iyo weliba khasaaraha ka dhashay, marka laga soo taggo in burbur uu ka soo gaaray dhismaha maqaaxidaasi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12158 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: