Wararka

Dugsi lagu baran doono cilmiga beeraha oo maanta degmada Balcad lagu dhagax dhigay…


Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo Wasiirka Waxbarashada Maamul goboleedka Hirshabeelle Dr. Cabdullaahi Abuukar Xuseen ayaa waxay maanta ka dhagax dhigeen degmada Balcad dugsiga waxbarashada beeraha ee magaaladaas.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay iney ka go’antahay Dowladda Soomaaliya kor u qaadista aqoonta iyo sidii looga faa’ideysan lahaa kheyraadka qarankan uu leeyahay.

“Waxaa naga go’an in aan dalka ka hir-gelinno aqoon tayo leh, dugsigaan magacan oo keliya ayaa loogu yeeri karaa” ayuu sii hayaha wasiirka waxbarashada Soomaaliya u sheegay warbaahinta.

Dhinaca kale maamulka Hirshabeelle ayaa soo dhoweeyay dhagax dhigga dugsiga waxbarashada beeraha ee degmada Balcad.

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa ku tiirsan Xoolaha, jillaabka iyo beeraha, Waxa uuna noqonayaa dugsigaan 30 sano kadib kii ugu horreeyay ee laga hir-geliyay Koonfurta Soomaaliya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: