Wararka

Gabar seddax sano jir oo Taiwan u dhalatay ayaa badbaaday kadib markii ay ka raaracantay…


Gabar seddex sano jir ah ayaa badbaaday kadib markii ka raaracantay seynta diyaaradaha warqadaha laga sameeyo oo weyn oo hawada loo tuuray, waxayna u jiidatay hawada sare joog ka sareeya 30 mitir intii lagu guda jiray mahrajanka diyaaradaha warqadaha laga sameeyo ee Taiwan, sida lagu arkay video lagu faafiyey baraha bulshada.

Oohinta iyo qaylada goobjoogayaasha ayaa is qabsatay markii gabadha yari loo tuuray dhinaca hawada oo ka kor martay madaxyadooda iyadoo ka raaracda seinta.

Naxdinta ay la kulantay gabadhaasi ayaa socotay 30 ilbiriqsi, ka hor inta aan loo soo jiidin dhinca dhulka.

Wararka maxalliga ah ee baahiyey dhacdadani ayaa gabadha ugu yeeray magaca qoyskeeda, Lyn, waxaana la sheegay inaanan wax weyn gaarin xoogaa dhaawac fudud mooyee.

Carada ka dhalatay dadkii badnaa ee ka qeyb galay mahrajaanka oo halkaasi ku qabsatay mashaqada inay arkaan murugada iyo naxdinta ayaa qasabtay in la joojiyo mahrajaanka waqti hore.

Sarkaal ka tirsan maamulka magaalada ayaa warbaahinta u sheegay in dabeylo ay si lama filaan ah u dul mareen goobta, iyadoo goobtaasi inta badan ka dhacaan dabeylo xoog badan.

Dabaaldegayaasha damaashaadka u tagay goobtaasi ayaa soo dhigay baraha bulshada filimka muujinaya dhacdada, wuxuuna si dhakhso leh u helay malaayiin daawatay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12158 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: