Wararka

Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo lagu soo dhaweeyey magaalada Mogadishu…


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Filish” ayaa waxa uu garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho uu kusoo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jubaland Ahmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” .

Wafdigaan ayaa waxaa kasoo horreeyay mid kale uu hoggaaminayay madaxweynaha Puntalnd Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana la qorsheynayaa iney kulan la qaataan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ujeeddada socdaalkooda ayaa salka ku haya sida loo wajahi lahaa marxaladda kala guurka ah iyo hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Jubaland iyo Puntalnd ayaan horay qeyb uga aheyn heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb oo maamullada qaar iyo dowladda dhexe ay ku qaateen nooca doorashada Soomaaliya ay noqoneyso.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: