Wararka

Aabaha iyo wakiilka ganacsiga Messi ayaa wada hadal la yeelanaya M/weynaha kooxda…


Jorge, aabaha iyo wakiilka ganacsiga ee Lionel Messi, kabtanka kooxda kubada cagta ee Isbaanishka, Barcalona, ayaa jabiyay caqabadii aamusnaanta, isagoo ka hadlaya ka tegida wiilkiisa Naadiga reer Catalan, aabaha ayaa warbixino badan oo uu bixiyey ku cadeeyay masiirka Messi ee Barcelona, isaga oo yimid Barcelona si uu wadahadal ula yeesho madaxweynaha kooxda.

Warbaahinta Isbaanishka ayaa qortay in Messi-ga aabaha uu ku yimid Barcelona diyaarad khaas ah, waxaana la filayaa inuu goor dambe maanta la kulmo Josep Maria Bartomeu, madaxweynaha kooxda reer Catalan, si ay uga wada hadlaan mustaqbalka wiilkiisa.

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay Barcelona ayaa diiday inuu ka hadlo arrintan.

Messi oo lix jeer ciyaaryahanka ugu fiican adduunka noqday ayaa wuxuu ku adkeysanayaa inuu jiro qodob ka mid ah qandaraaskiisa oo u oggolaanaya inuu si bilaash ah ku tago, arrintaasi oo kooxda Barcelona iyo xiriirka kubada cagta ee Spain ay diidan yihiin.

Naadiga iyo xiriirka ayaa isku raacay in kabtanka reer Argentina uu bixi karo oo keliya haduu bixiyo ganaaxa oo dhan 700 milyan euro qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Aabaha dhalay Messi ayaa u sheegay telefishanka Spain ee Quattro, isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd ka tagista wiilkiisa 33 jirka ah ee kooxdii ​​uu ku soo qaatay xirfadiisa oo dhan wuxuu ku jawaabay ” Ma aqaan waxna kama ogi”.

Laakiin markii lagu cadaadiyey su’aal ahayd dhibaato maa ku haysata la sii joogista Barcelona ee Messi, wuxuu yidhi, “Haa”, wuxuuna ka jawaabey su’aal ahayd aragtidiisa mustaqbalka Messi ee Barcelona, ​​wuxuuna yidhi “Way adag tahay, way adag tahay”.

Jorge ayaa ka gaabsaday su’aal ahayd in Manchester City ay tahay dooqa wanaagsan ee wiilkiisa, maadaama u dhaqaaqistiisa kooxdan ay u ogolaaneyso Messi inuu markale la shaqeeyo tababarihiisii ​​hore ee Barcelona, ​​Pep Guardiola.

Aabaha ayaa yiri isagoo ka jawaabaya su’aal ku saabsaneyd kooxda City “Ma aqaano. Ma jiraan weli wax la hubo ilaa hadda,”. Wuxuu intaa ku daray inuusan wax wadahadal ah la yeelanin Guardiola, kaasoo sanado badan qaaday horyaalo intii uu macallinka ka ahaa Barcelona isagoo goobjoog ahaa Messi xilliyadiisii ​​ugu fiicnaa.

Isniintii, Messi ma uusan soo xaadirin tababarkii ugu horreeyay ee Barcelona, ​​oo ahaa bilowga u diyaar garowga xilli ciyaareedka soo socda, oo uu hoggaaminayo macallinka cusub ee reer Holland Ronald Koeman.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11786 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: