Wararka

M/weynihii hore ee Somalia Xasan Shiikh ayaa la kulmay safiirka Mareykanka ee Somalia…


Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka dalka Mareykanka u fadhiya Somalia Donlad Yamamoto, waxayna ka wada hadleen arrimaha doorashada iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka, sida Ilo ku dhow Madaxweynahii hore ay xaqiijiyeen.

Waxyaabaha sida gaarka ah la iskula soo qaaday ayaa waxaa kamid ah arrimaha doorashooyinka sidii hab nabadeed oo is oggol ku dhisan ay ugu dhici lahaayeen dalka.

Kulankaan oo aan warbaahinta loo oggolaan ayaa waxa uu qeyb ka yahay galaan-galka dowladda Mareykanka ee ku aaddan sidii Soomaaliya ay uga dhici laheyd doorashooyin, si dalka looga hirgeliyo xoojinta dimuquraadiyada.

Yamamoto ayaa shalay la kulmay madaxweynayaasha Puntalnd iyo Jubaland waxa uuna kala hadlay arrimo khuseeya doorashooyinka dalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: