Wararka

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in ay kulan u qaban doonto madaxda Soomaalida…


Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay kulan heer sare ah u qaban doonto Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federalka Soomaaliya, kulankaas oo loogu tala galay sanadguuradii 75aad ee 21 Sebtember oo ku astaysan maalinta nabada adduunka.

Kulankaan ayaa hoggaamiyeyaasha adduunku oo ay qeyb ka yihiin hoggaamiyayasha Soomaalida, waxay aqbali doonaan bayaan siyaasadeed oo ku saabsan Mustaqbalka waxa la doonayo in la qabto.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay u baahan tahay dib u xaqiijinta ballanqaadkeeda wadajirka ah ee dhinacyada badan.

Wada hadalkani ay ku baaqday Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya xilli ay Dowladda Federalka ku baaqday in dib u eegis lagu sameeyo waxqabadka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Kadib markii ay ku eedeeyeen inay yar tahay taageeradiisa siyaasadeed iyo horumineed ee dowlad dhisida Soomaaliya.

Dowladda Federaalka iyo xafiiska UN-ka ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay isla qeexaan mudnaanta howlaha shanta sano ee soo socota iyadoo qayb ka ah Qaab-dhismeedka Iskaashiga 2021-2025.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: